XASAASI: Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo farqaha ku dhegan kudhawaad 10 Xildhibaan (Sababta)

Xildhibaanada Qaranka Ee lagu soo doortay Golaha shacabka ayaa qaarkood waxa la sheegay in si sharci daro ah kuraasta ugu soo baxeen.

Wararka waxay sheegayaan in Maxkamada Sare Ee Dalka Go’aan ay soo saartay Horaan hadda uutaageeray Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay amrayaan ku celinta ilaa 8 Kursi Xildhibaanadii kusoo baxay si buu yiri Cadaalada looga shaqeeyo kuwii la af qabtayna oo tartankaasi mar kale kaga qeyb galaan.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii usharaxnaa Kuraastaasi ayaa dacwad ay gudbiyeen waxay keentay in Maxkamada Sare iyo Xeer ilaalinta Qaranka soo jeediyaan in lagu celiyo Doorashada 8-daasi Xildhibaan.

Deegaanada HirShabelle,Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Jubbaland ayaa 8 Xildhibaan laga soo doortay kuwaasi oo Lacago ay bixiyeen la sheegay inay kusoo guuleysteen.

Xildhibaanada uu Amarkaan ku socdo waxay sheegeen in si sax ah ay kusoo baxeen ayna uhogaansami doonin warkaan soo kordhay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)