XASAASI: Madaxweyne Farmaajo oo Kashifay inuu ogyahay Ajaaniib Lacag siisa Alshabaab

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka war qabto dad shisheeye ah oo uu sheegay in ay lacag siiyaan Al-shabaab.

Ujeedada kaliya ee ay dadkaasi lacagta u siinayaan Al-shabaab ayuu ku sheegay in ay tahay in Soomaaliya aysan ka dhalan dowlad xoog leh.

Waxaa uu ka gaabsaday in uu carrabka ku dhufto dowladaha ama shaqsiyaadka ajannabiga ah ee dhaqaalaha ku bixiya Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale waxaa uu baaq u diray siyaasiyiinta Mucaaridka ah iyo dad weynaha Soomaaliyeed.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu Siyaasiyiinta mucaaridka ah ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab,waxyaabaha kala dhaxeeya dowladdana meel la iska dhigo.

Waxaa uu xusay in haddii hadda aan loo midoobin dagaalka Al-shabaab ay sidan caqabad ugu sii ahaan doonaan dowladaha ka dambeeya dowladdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here