XASAASI: – Duqa Muqdisho oo iska gadaya Madaxweyne Farmaajo, xilli Xasan Sheekh Shaarbaha ……

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goordhaweyd Shir Jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa ayaa Hambalyo diiran u diray madaxweynaha Cusub ee la doortay Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo xalay La doortay.

Gudoomiye Madaale ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay aad usoo dhaweynayaan guusha uu gaaray Raisulwasaarihii Hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo wuxuu u rajeeyay in uu ilaahey ku guuliyo xilka cusub.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku wargaliyay Taliyayaasha Ciidamada dowladda ee Gobolka Banaadir in ay ku amraan Ciidamadooda furida wadooyinka xiran ee Magaalada madaamada lasoo gaba-gabeeyay doorashadii Madaxweynaha.

Arintaan ayaa kusoo beegamaysa xili wadooyinka Magaalada Muqdisho wali ay u xiran yihiin Ciidamada dowladda Soomaliya,horey waxaa loo shaaciyay in doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya kadib la furi doono sida Maamulka Gobolka uu sheegay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)