Home WARARKA XASAASI: C/weli Gaas oo Fariin Culus Ka Helay Xildhibaanadii Xukuumada Maanta Riday

XASAASI: C/weli Gaas oo Fariin Culus Ka Helay Xildhibaanadii Xukuumada Maanta Riday

2
0

Waxaa Maanta la kala diray Xukuumada Puntland kadib Kulan Xildibaanada Baarlamaanka Puntland ku Yeesheen Magaalada Garowe ayey kalsoonida kala noqdeen Wasiirada Maamulkaasi.

Xildhibaanada Kulanka xaadirtay ayaa waxay tiro ahaan gaarayeen 59 Mudane iyadoo 47 Ka mid ah ay Codka Kalsoonida udiideen Xukuumada iyadoo 9 ay taageereen midna uu ka aamusay.

Gudoonka Baarlamaanka Puntland waxay sheegeen in Cod Aqlabiyad leh lagu riday Xukuumadii jirtay lagana doonayo 21 Cisho gudaheed in lagu soo dhiso Xukuumad Cusub.

Xildhibaanada Riday Golaha Xukuumada waxey Fariin udireen Madaxweyne Gaas iyagoo kaga digay in uu soo magacaabo Wasiiradii xilka waayey maanta hadii uu mar kale keenana waxay ku goodiyeen in Codka Kalsoonida udiidi doonaan.

Waxyaabaha ay Baarlamaanka Puntland ku Rideen Xukuumada waxaa ka mid ah Amniga oo lagu fashilmay,waxqabad la’aan iyo Arimo kale.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here