Xarakada Al-shabaab oo Lawareegay Guud Ahaan Xuuda Kenya Iyo Maaliya Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Wararka ka imaanaya magaalada Wajeer ee Xuduuda kenya iyo Somaliya ayaa sheegaya in Xaragada Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Kontonka oo hoos yimaad magaaladaasi.

War rasmi ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab  ayaa lagu sheegay in Dagaalyahannadoodu ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka islamarkaana ay soo qafaasheen ciidamo katirsan booliska Kenya “Howlgal qorshaysan oo Shabaabku ay ka fuliyeen deegaan hoos yimaad magaalada Wajeer ayay ugu suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka ayna soo qafaashaan ciidamo katirsan Booliska dowladda Saliibiyadda Kenya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Al Shabaab ay gacanta kusoo dhigeen laba Mooto iyo agabyo kale oo ay lahaayeen ciidamada Booliska Kenya, weerarkan lagusoo qabtay ciidamada dowladda Kenya ayaa banaanka soo dhigaya awoodda Al Shabaab iyo taakdarida ciidamada gummeysiga Kenya.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan lawareegidda Al Shabaab ee deegaanka Kontonka iyo ciidamada lagasoo qafaashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here