Xal Laga Gaaray Ciidamo Xirtay Mid Ka Mid Ah Wadooyinka Garoowe

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa ciidamo Gadoodsan oo ka tirsan Puntland ay u xirneyd Wadada gasha Madaxtooyada Puntland ee Magalada Garoowe balse xal laga gaaray.

Ciidamadaas ayaa ka cabanayay mushraar la’aan,iyaga oo sheegay in mudo 7 Bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah sidaasina Maanta ku xirteen mid ka mid ah Wadooyinka ugu muhiimsan ee Magalada Garoowe.

Wararka haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamaas ay Goobtii ay xirteen ay dib u fureen,isla markana ay isaga tageen.

Waxaa la sheegay in Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ay u tageen Ciidamada,isla markana ay qanciyeen taasina ay keentay in Ciidamada Wadada furan.

Saakay waxaa hakad galay Shaqooyinkii ka socday Madaxtooyada Puntland ee Garoowe oo ay ku yaallaan inta badan Wasaaradaha Maamulka Puntland wallow markii dambe dib ay u fureen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here