Xabsiga Baydhabo oo Dad Badan Loo Taxaabay & Sababta Ka Dambeysa Oo La Ogaaday

Ciidamada Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa lasoo sheegayaa inay Xabsiga dhigeen dad badan oo ay ku qabteen howlgal laga sameeyey Magaaladaasi.

Wararka waxay sheegayaan in Howlgalkaasi uu ahaa mid lagu Xaqiijinayey Amniga islamarkaana dad laga shakiyey Xabsiga la dhigay.

Waxaa Saraakiisha Amniga ay sheegeen in Howlgalka uu yahay mid sii socon doono oo nabad gelyada Magaalada lagu sugayo si looga hortego fadqalalo Amni oo dhaca.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Amniga Ee Maamulka  K/Galbeed Soomaaliya C/risaaq Cabdi Aadan ayaa sheegay in dadka lasoo xiray ay su’aalo laamaha Amniga weydiinayaan kuwii Shakiga laga qabo lagu waayana la iska sii deyn doono.

Howlgalka oo la fuliyeySaacadihii lasoo dhaafay ayaa waxa laga dareemay Xaafadaha Baydhabo oo dadka isku socodkooda uu aad uyaraa,xilli Todobaad ka hor Qarax  Ismiidaamin loo adeegsaday Shacab lagu laayey Maqaaxi ku taalla agagaarka Shirkada Dahab Shiil Baydhabo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)