Xaalada Saaka Ka jirta Jowhar iyo Balcad Oo Dagaal Culus Shalay Galab Ilaa Xalay Ka Dhaceen

Xaalada Deegaanka Haan sheekh ilaa Gololeey Ee Duleedka Degmada Balcad Gobolka Sh.Dhexe ayaa saaka deggan kadib Dagaal xoogan oo saacado qaatay oo ka dhacay Shalay Gabal dhicii ilaa Xalay fiidkiina soo gaaray.

Ciidaka Dawlada iyo Al Shabaab ayaa dagaalkaasi uu dhexmaray waxaana la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan taas oo keentay in weerarkaasi ay Shabaab soo qaadeen ahaa mid qorsheysnaa.

Meydadka Askarta la dilay ayaa waxa la sheegay in la isku geeyey dhinaca degmada Balcad Saldhiga Booliska kuwaasi oo la tilmaamay in dagaalkaasi kudhinteen.

Al Shabaab ayaa Dagaalkaasi war ay kasoo saareen waxay sheegeen in ay dileen inkabadan 10 Askari ayna qabsadeen hub badan iyo Saanado meliteri oo ciidanka Dawlada isticmaalayeen.

Taliska Ciidamada Meliteriga Ee jooga Aagga Balcad waxay sheegeen in faah faahino aysan bixin karin ilaa hadda oo maanta ay xog raadin geli doonaan iyo khasaaraha inta uu la eg yahay.

Wadada udhaxeysa Jowhar ilaa Balcad ayaa Afartii Bil Ee lasoo dhaafay noqotay mid halis ku ah isticmaalka gaadiidka Ciidanka Dawlada wataan iyo Madaxda Hirshabelle.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay