Xaaf oo Xilka Qaadis Dadbadan Kayaabisay Sameeyay! “AKHRISO”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) ayaa xilka qaadis ku sameeyey wasiirka qorsheynta maamulkaasi, Cabdi Kaafi Maxamed Maxamuud, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Sidoo kale wareegtadan ayaa lagu sheegay in xilka uu siin heyn doono wasiiru dowlaha wasaaraddaasi, inta laga magacaabayo wasiir kale.

Ma shaacin Madaxweyne Xaaf, sababaha uu xilka uga qaaday wasiirkii qorsheynta maamulka Galmudug.

Warar aan helayno ayaa sheegaya in sababta xilka looga qaaday Cabdi Kaafi ay la xariirto, kadib markii uu shaaciyey inuu labo garab u kala jabay guddiga dib u heshiisiinta ee dowladdu u magacawday maamulkaasi.

Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, iyadoo caqabado ay ka taagan yihiin shirweynaha dib u heshiisiinta oo marar badan dib uga dhacay waqtii loogu tala galay inuu ku furmo.

                                   HOOS KA’AQRISO: