Weerar lagu qaarajin lahaa Isxaaq Maxamed oo ay waxyeelo kasoo gaartay Xaaskiisa & Caruurtiisa

Guriga mid kamid ah odayaashii soo xulay barlamaanka Soomaaliya ayaa weerar bambo ah lagu qaaday, waxaana halkaas ka dhashay qasaaro dhaawac ah.

Isxaaq Maxamed oo kamid ah ergooyinkii Baydhabo kasoo xulay barlamaanka ayaa ka bad baaday weerarkaas, hase ahaatee waxaa ku dhaawacmay qaar kamid ah qoyskiisa.

Xubnaha qoyskiisa ee dhaawacmay waxaa kamid ah xaaskiisa iyo labo caruur ah oo uu dhalay sida ay sheegayaan dad ku sugan xaafada uu falkaas ka dhacay oo lagu magacaabo Cunaaye kana tirsan Baydhabo

Ciidamada maamulka Koofur Galbeed ayaa wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas qaraxa ah.

Weerarada lagu bartilmaameedsanayo odayaashii soo xulay barlamaanka Soomaaliya ayaa sii badanaya iyadoo qaarkood dilal loogu geystay Koofurta Soomaaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay