Weerar Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Xeebta Jazeera & Shabaab Oo Sheegtay

Wararka laga helayo Wadada Xeebta Ah Ee Shabellaha Hoose Aada,ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Weerar khasaaro geystay.

Al Shabaab ayaa galabta waxay sheegteen inay ka dambeeyeen weerarkaasi islamarkaana ay ku dileen 5 Askari oo katirsanaa ciidamada Dawlada Soomaaliya.

Waxa ay Shabaab sheegeen in meydka qaar laga cararay,iyadoo weerarka uu ahaa mid kamiin ah.

Ciidanka Dawlad Ee La weeraray,ayaan si cad loo ogeyn khasaaraha gaaray,balse Al Shabaab waxay sheegeen in 5 askari dawlada katirsan ay dileen.

Waxaa waayahaan dambe sii xoogeystay weerarada Shabaab ay geystaan,ee Wadada Isku xirta Xeebta Jazeera iyo Magaalada Marka.

Weerar dhacay Maalin ka hor waxaa la sheegay in Gaari Cabdi bile ciidan wateen lagu weeraray meel udhaw Xeebta Jazeera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here