Waxii laga filayay Madaxdii hore iyo waxii ay ka hadleyn oo qaadan waa noqotay !!!

Dadka Somaaliyee ayaa maalmahaan ku mashquulsan meel kasta oo ay joogaan gurmadka iyo gargaarka dadka ku tabaaloobay ama ku geeriyooday daadadkii kasoo fatahay Webiyada Shabeelle iyo Jubba laakin halkii laga filayey Roob ayey noqotay Ceeryaamo!

Xisbiyada Mucaaradka ee ay kala hoggaamiyaan Madaxweyna-yaashii hore iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Qaranka ayaa shalay ku shiray Xamar, waxaana dadku ka filayeen in ay uga hadli doonaan xaaladda waxyeelada fatahaadaha iyo dhibaatadii ka dhalatay iyo in ay ku dhawaaqi-doonaan gurmad Qaran oo dhanyahay iyo kaalinta uga aadan ee ay ka qaadan karaan?

Nasiib darro maba aadin dhinacii laga filayey ee waxa ay kusoo celiyeen eedeymihii Qabyada ka ahaa ee dawladda iyo ku dhawaaqidda Isbahaysi laga soo Gemay Kismaayo?

Waxaa lala yaabay in la Siyaasadeeyo Xaaladda Bani’aadam-nimo ee ka dhalatay Masiibadii Fatahaadaha! Waxaana laga sugaayey Hoggaamiyaasha soo maray talada Dalka welina u taagan in ay sii taliyaan:

1. In ay ku baaqaan Gurmad Qaran oo loo dhanyahay, ayna hor-kacaan!
2. In ay qaataan Diyaaradiihii ay ugu Gurmadeen Caleema-saarkii Kismaayo oo kale, kana degaan Beledweyne, haddii dawladdu ka celisana dadka ay u sheegaan!
3. In ay ku tabarucaan Kharashkii ay ku bixiyeen Gurmadkii Caleema-sasrkii Kismaayo oo kale, waxna ka bixiyaan Biilasha ay Caruurtoodu ku biilato dibadaha Dalka!
4. In ay dib u dhigtaan Isbahaysiga Dagaalka ee laga soo Gemay Puntland iyo Jubbaland, lana sugtaan xilliga doorashooyinka!
5. In Hoggaamiyaasha Xisbiyada Xamar iyo La taliyaashoodu ay kala saaraan Waqtiga Dagaalka Siyaasadda iyo Waqtiga Gurmadka Bani’aadam-nimo!

Waxaan ka rajeynaynaa Madaxda Qaderinta mudan in ay dib ugu laabtaan Warkii shalay kasoo yeeray ee ka hooseeyey Magaca iyo Maqaamka ay Bulshadu ka sugeysay, cudurdaarna ka bixiyaan, kana Jawaabaan Gurmadka laga sugayey iyo kaalintooda, kuna Qanciyaan Bulshada?

W/Q Dr Mohamed Nuur Gacal