Wax ka ogow taariikhda dacwadda Badda ee ICJ ee Kenya iyo Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aqbashay una hogaansameyso go’aankii maxakamada Cadaaladda aduunka ee ICJ ee dib loogu dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda badda ee kala dhexeeya Kenya.

Raiisul wasaaraha ku xigeenka Soomaaliya Mahdii Maxamed guuleed ayaa BBC-da u sheegay in inkastoo Soomaaliya ay jacleed in 5 ilaa 12-ka June la qaado dacwada haddana ay garaawsadeen waqtiga lagu jiro oo “aaney suurta gal aheyn marka dhinacyo kala duwan laga eego”.

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta

“Inkasteenu jecleyn kuna doodnay oo ku adkeysannay i Bisha June la maqlo oo maqaal iyo muuqaal lagu dhageysto, haddana anaga doodayadu waxay aheyd in mar walba la maqlo caddaallada oo la dhageysto, balse go’aanka maxkamadda dhinacyadu wey ku qasban yihiin inay qaataan waxay maxkamaddu waqtigan tixgelisay cudurka dilaaga ah ee aafeeyay adduunka,” ayuu yiri Mahdii.

Bishii November, waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Uhuru Kenyatta iyo Farmaajo kuwaas oo isku raacay in khilaafka badda uusan saameyn xiriirka labada dal ka dhexeeya. Waxayna ku heshiiyiin in dib loo soo celiyo arrimo ka dheexayay labada dhinac oo xirmay.

Arrintaas ayaa daba socotay khilaaf diblumaasiyadeed oo soo noqnoqday kaas oo ka dhexeeyay labada dowladood. Arrintaas waxaa hurinayay arrimo ku gedaamay dacadda badda ee taalla maxkamadda ICJ.

Dr Afyare Cabdi cilmi oo culuumta siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Qadar ayaa sheegay in dib u dhigista dhageysiga dacwadda badda aysan wax dhibaato ah horseedeyn.

“Soomaalida dabcan wey jeclaan laheyd in waqti hore waxaan lagu kala baxo, hadda ma arko aniga wax weyn oo dhib ah haddiiba weli maxkamdda uu kiiska yaallo,” ayuu yiri.

“Maadama arrinka uu weli taagan yahay hadda dhacdadan waxa hadda Kenya u gaar ah ma aha, wax Soomaaliya u gaar ahna ma aha, waa wax adduunka oo dhan ku wajahan waana wax maxkamadda sida ay u shaqeyn doonto saameyn ku yeelan doona”.

Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in maxkamadda Caddaallada Adduunka aysan kiiskan kaliya dib u dhigin isla markaana ay jiraan dacwado kale oo ay dib u dhigtay feyraska Korona awgii.

Taariikhda muranka badda Kenya iyo Soomaaliya

.

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2014-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

Markii hore kiiska wuxuu ku saabsanaa in ICJ ay dhagesan karto muranka laba dal ayna go’aan ka gaari karto.

April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.

Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.

Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.

August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya.

Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodad ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad oo ku faahfaahiyo heshiiska.

July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go’aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas.

December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal.

Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo.

Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso.

Soomaaliya aya ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas.

Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda.

Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya.

Bishii Oktoobar ee sannadkii 2019 : Maxkamadda Caddaallada Adduunka waxay dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda oo xilliggaas la qorsheeyay in uu dhaco 4-ta Nofeembar, balse waxay ka dhigtay illaa bisha June ee sannadka 2020-ka.

Garsoorka maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxay sheegeen inay eegayaan xaaladda qeyrul-caadiga ah ee uu sababay xanuunka coronavirus ay go’aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo sannadka soo socda ee 2021-ka.