Wax ka ogaaw “Wafdi ka socda wasaarada dastuurka Xukumada Soomaaliya oo Kismaayo gaaray.

Wafdi uu hoggaaminayo siihayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ahna wasiir ku xigeenka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo ay wehliyaan Guddoonka Guddiyada Dastuurka heer federal iyo heer Dowlad Goboleed iyo Wasaaradaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

Wafdiga waxaa soo dhoweeyay Wasiirka Dastuurka Jubbaland, gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Jubbaland, wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Jubbaland.

 

Wafdiga ayaa kulamo latasha ah ku yeelan doona saddexda maalin ee soo socta kismaayo kuwaas oo looga hadli doono sidii loo dardargelin lahaa howlaha dib u eegista dastuurka gaar ahaan latashiyada cutubyada dib u eegista lagu sameeyay

 

Wasaarada Dastuurka Xukumada Faderaalka Soomaaliya ayaa wada qorsho dib u eegis loogu samaynayo dastuurka ku meel gaar ah Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here