Wax badan ka ogow dadaalka Mareykanka Ku Leeyahay Dib u Soo Kabashada Soomaaliya?

Dalka Soomaaliya oo ku yaal bar juquraafiyadeed oo muhiim u ah isu-socodka ganacsiga adduunka, marnaba ka ma maqneyn maanka Washington tan iyo wixii ka dambeyey dagaalkii 2aad ee dunida. Mareykanku waxuu ahaa dalkii ugu horreyay oo u soo gurmada Soomaaliya (1992) si loo horjoogsado boobkii gargaarka samafalka ee la gaarisin la’aa dadweynaha colaadda, barakaca iyo gaajada ku ba’ay (hoogay).

Balse waxuu Soomaaliya ka sii jeestay wixii ka dambeyay gurmadkii “Restore Hope.” Waxaa muuqatay inuu ahamiyad aan qarsoonayn siinayay siyaasaddii Meles Zanawi ee midnimada Soomaaliya u arkeysay khatar istraatiijiyadeed.

Arrrinku waxuu isbeddelay markii hay’adihii samafalka caalamku ay gaari waayeen horumar la taaban karo. Iskudayo dib-u-heshiisiin oo ay reer galbeedku taageerayeen ay fashilmeen, islamarkaasna dhaqdhaqaaqii maxaakiimta uu argaggax ku dhaliyay siyaasaddii reer galbeedka ee Geeska Afrika.

Wixii ka dambeyay masiibadii 9/11, Washington waxay Soomaaliya kula dhaqameysay “diblomaasiyad xaddidan” oo aan weliba toos ahayn. Balse maamulkii Madaxweyne Obama oo ballaarinayay siyaaasaddii H. W. Bush, ayey u soo baxday in iskaashiga amniga ee Itoobbiya uu wiiqayo hadafyadii Mareykanka ee ka hortagga xagjirta iyo dib u xasilinta gobolka.

Washington waxay u bareertay inay dib u eegto siyaasaddeeda Soomaaliya, iyadoo joojisay taageeradii ciidamada Itoobbiya ee kaga sii darayay deggenaansho (xasillooni) la’aanta Soomaaliya, taas oo soo dedejisay in gebi ahaan dalka laga saaro (Jamestown 10/08/2007).

Tillaabadaas waxay wanaajisay fursadda Mareykanka ee gobolka waxayna u gacan banneysay in siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee iska soo horjeeday uu ku riixo awood-wadaag, si loo dhiso dowlad qaab qaran leh oo ku meel gaarka ah.

Si kastaba ha ahaate, jihada cusub waxay la timid horumar, iyadoo Washington ay dadaal dheeri ah gelisay dib u dhiska hay’adaha dowladda oo wada xisaabtami kara, deyn cafinta iyo dib-u-heshiisinta si mustaqbalka dalku cagahiisa ugu istaago uguna laabto xasillooni ku noolaasho.

Soomaaliya waa dal qani ka ah khayraad dabiici ah. Weliba waxay ku taal wadiiqada ugu muhimsan mariinka ganacsiga adduunka, iyadoo dekedaheeda la jaan qaadi karaan maareynta maraakiibta waaweyn ee qaada xamuulka culus. Balse in mudda ah, horumarka Soomaaliya waxaa dabrayey amniga iyo khatarta cimilada ka sokow, deyn dibeddeed, kaabayaal sabool ah, cadaalad daciif, musuq, dowlad xumo iyo faragelin shisheeye.

Ma qarsoona in Washington ay siyaabo badan uga walaacsan tahay maalgashiga Beijing ee Afrika. Si taas looga hortago Mareykanka waxuu unkay hay’ad gaar ah oo la siiyay awood dhan ilaa 60 bilyan doolar, si ay diiradda u saarto maalgelinta horumarinta dhaqaalaha qaaradda.

Hay’addaas waxay shirkadaha Mareynkanka ku dhiiriggelinaysa inay maalgashi toos ah ka sameeyaan Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo leh kaydka ugu weyn shidaalka iyo macdanta dhulka dhifka ka ah.

Si iskaashiga dhaqaale ee Mareykanka iyo Soomaaliya uu ugu qaado tallaabo jihada toosan, Washington waxay ku dhiiriggelisay dowladda Federalka Soomaaliya (DFS) inay adkeyso wadashaqeynta iyo iskaashiga ay la leedahay hantileyda gaar ah. Himiladu waxay tahay in ganacsiga gaarka loo leeyahay uu gacan muuqata ka geysto maalgelinta mashaariicda, iyadoo hadafku yahay in la abuuro koboc barwaaqo dhaqaale hantigoosad ah.

Caqabadaha dalka uu wajahayo waxaa ugu weyn xasilloni la’aan amni oo hortaagan dib u dhiska mustaqbal horumar leh. Sidaas darteed, dowladda Mareykanka waxay dalka ka caawintay dhismo ciidan lug oo gaaraya ilaa hadda 7000 askari, iyadoo si dadban dalal badan ku dhiiriggelisay inay Soomaaliya gacan ka siiyaan dib u dhiska amniga.

Waxay kaloo bilawday in hawlgallo militari oo wadajir ah la qaado Soomaalida, iyadoo ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu u yahay hormuud, kana qeybgaleen ciidamada AMISOM iyo kuwa sida gaarka ah ay ugu tababarteen fulinta weerarrada iyo la dagaallanka argaggixisada (Danab iyo Gaashaan).

Mareykanka waa deeq-bixiyaha ugu weyn ee gargaarka bini’aadanimo ee Soomaaliya. Sanadkii 2019 dalku waxuu ka helay beesha caalamka gargaar bini’aadanimo oo dhan 934 malyan doolar, lacagtaas barkeed oo dhan 455 malyan waxaa bixiyay Mareykanka, iyadoo uu ka jawaabayay musiibadii taagneyd (VOA Africa 21/10/2019).

Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad muhiim ah oo ay u baahan tahay malgelin horumar si loo helo nabad iyo barwaaqo. Iyadoo laga duulayo himiladaas, ayuu Maraykanku maalgelin la bartilmaamsaday waxbarashada. Waxuu 50 malyan doolar ku bixiyay barnaamijka “Bar ama Baro” ee dadargeliya tacliinta dhallaanka iyo dhallinyarada.

Waayuhu waxay bareen Mareykanka in cudud militeri keliya looga hortagi karin xagjirnimada. Si dadka Soomaaliyeed looga badbaadiyo waddada khatarta ah (mab’aadida xagjirnimada), siyaasadda Washington ee ka hortagga khilaafaadka waxay ahmiyad diiriggelin leh siisay dhismaha maamul wanaag (karti iyo hufnaan leh), dimoqraaddiyayenta siyaasadda, xoojinta bulshada rayidka ah iyo diirriggelinta ka qaybgalka howlaha madaniga ah (civic duties) oo intaba udub dhexaad u ah bulsho horumar hiigsaneysa.

Dalna ma gaaro isbeddel horumar wax ku ool ah ilaa dadkiisu si wadajir ah diiradda u saaraan ku dhaqanka dowlad wanaag (isla xisaabtan dhab ah, daah furnaan lana dagaallan musuqa), xoojinta dimoqraaddiyad loo dhan yahay (si codka muwaadiniinta loo maqlo), dhowrista xuquuqda bani’aadanka, cadaalad loo siman yahay iyo sarreynta sharciga (rule of law).

Taariikhda ayaa muujineysa, in Mareykanka uu waayo-aragnimo ballaaran u leeyahay sida loo garab qabto dad dalkoodii dumay (Jarmarl, Japan, Koonfur Kuuriya iwm), balse waxaa isweydiin u baahan Soomaalidu (shacab iyo dowladba) diyaar ma u tahay in dib loola dhiso bulsho dhaqaalaha mustaqbalka maareysan karta oo dhisata hay’addo Dustuuri ah oo waara!

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim