Wasiirka Maaliyada Puntland Oo Shaqada ka Ceeriyey Mas’uul Caan Ahaa

Ilo xogogaal ah oo katirsan ciidamada Puntland, ayaa xaqiijinaya in Wasiirka Maaliyada ee Puntland ahna Gudoomiyaha Guddiga Ciidamada ahna Gudoomiyaha Guddiga dhaqaalaha ahna Saaxiibka Madaxweyne Dani, uuu shaqada taliye-nimada ciidamada Goodir (EX-BOLBIR) ka qaaday G/le Cabdinaasir Maxamer (Shaati) oo kamid ahaa saraakiisha firfircoon ciidamadan.

Wasiirka ayaa booskaan u magacaabay G/le Iidle oo aan horey uga tirsaneyn ciidankaan, lagana keenay Booliska uu katirsanaa.

Tallaabada Awooda Wasiirka Maaliyada u leeyahay isku bedelka iyo wax ka bedelka ciidamada ayaa ah mid aan horey uga dhicin Gudaha Puntland.