Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Oo Maanta Sir Badan Ka Hor Sheegay Aqalka Sare Dalka

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Ayaa waxa uu maanta hortegi doonaa Golaha Aqalka Sare Ee Dalka Soomaaliya.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa waxaa loo diyaarsaday Su’aalo badan qaabka Shaqada loo bixiyo Wasaaradiisa,Safiirada Soomaaliya iyo qaabka loo soo xulo,isbadel ku yimid Xiriirka Caalamka Ee Dawlada la leedahay iyo arimo kale.

Xildhibaanada Senet-ka Ee Dawlada Soomaaliya ayaa waxa la sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan in isla xisaabtan dhab ah kula galaan Wasiirada Xukuumada Dalka.

Dhowr Wasiir oo katirsan Xukuumada ayaa dhawaan hor tegay Xukuumada oo mid walbana la weydiiyey Su’aalo kusaabsan Wasaaradiisa waxaana ugu dambeeyey Wasiirka Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo isbuucaan Golaha Aqalka Sare hor tegay.

Waa markii ugu horeysay ay Soomaaliya yeelato Gole Aqal Sare ah waxaana dadka qaar ay ku sheegayaan in Dalka hadda ubaahneyn in Gole Senet ah loo sameeyo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)