Wasiir Sabriye Oo Kuwajahan Dhuusamareeb Iyo Warar Sheegaya In..

Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad gobaleedka Galmudug sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Galmudug.

Wasiirka Sabriye ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxda Maamulka Ugu saraysa  inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu isagana u safray Gaalkacyo.

Ujeedada socdaalka Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in uu Madaxda Maamulkaasi kala hadli doono khilaafka iyo is faham waayga u dhaxeeya hogaanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here