Wasiir katirsanaa Xukumadii Cumar C/Rashiid oo Indhaha Caalamka ku jeediyay BFS & Fadeexad ka taagan…

Wasiirkii hore ee Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ceynte ayaa cambaareyn  u jeediyay labada aqal ee Baarlamaanka Federaaka.

Wasiirka oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in guddiga dib u eegista Dastuurka ee ay soo doorteen labada aqal aanay ku jirin qof haween ah.

Farriin uu soo diray ayuu wasiir Ceynte arrintan ku baahiyay taasoo keentay in kiciso wakiilada beesha caalamka iyo haweenka siyaasiyiinta ah. Beesha caalamka ayaa ka danbeysay in xildhibaano badan oo haween ah ay soo galaan labada aqal ee Baarlamaanka.

Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee laga soo doortay laba aqal ayaa ka kooban 10 xubnood oo aqal waliba ay ka socoto shan xubnood, waxayna kala yihiin:

Xubnaha Gudiga ee Aqala Sare

1- Senator Abdi Xasan Cawaale Qeybdiid

2- Senetor Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole

3 -Senetor Xuseen Sheekh Maxamuud

4- Senetor Iftiin Xasan Baasto

5-Senetor Maxamuud Faarax.

GOLAHA SHACABKA

1- Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle

2- Xildhibaan Burhaan Aden Cumar

3- Xildhibaan Cabdirashid Maxamud Xasan

4- Xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali Nuur

5-  Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Kaamil


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)