Wasiir Katirsan Xukuumada Oo Amar uu soo saaray Xitaa Xafiiska Kheyre Saameynaya

Iyadoo Dhawaan Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ku dhawaaqay in la joojiyey Shaqaalaha Cusub Ee dawlada Hay’adaheeda qaadaneyso ayaa hadana waxaa saacado ka hor soo baxay war kale oo Shaqaalaha hadda shaqeeya Culeys ku ah.

Wasaarada Arimaha Bulshada iyo Shaqaaalaha Soomaaliya ayaa waxay deg deg uga dalbatay Hay’adaha Kala duwan Ee dawlada uuna ku jiro Xafiiska Ra’iisal wasaaraha inay soo gudbiyaan Jadwalka shaqada iyo Diin waan gelinta Shaqaalaha ka howlgala.

Bilo ka hor Godka Jilacoow waxaa la geeyey Dhamaan Shaqaalaha Dawlada oo dib u habeyn iyo sida ay Dawlada Shaqadeeda kusoo galeen baaritaan lagu sameenayey.

Dad badan ayaa rumeysan in tani tahay Culeys Shaqaalaha dawlada la saarayo oo Mushaarkooda hoos loogu dhigayo iyadoo ganaax lagu tilmaamay inay ku muteysan karaan.

Waa sax qofkii shaqadiisa gudan waayo hala ganaaxo oo shaqadana ha laga diro,balse waxaa jira Shaqaale maalmaha shaqada tega oo aan hadana joogto u helin xaqooda,iyo qaar maalmo kooban tega Xafiisyada Dawlada oo lacagtooda marnaba ka baaqan,Cadaalad waa lama huraan.