Wasiir ka qeybgalaya shir looga hadlayo arrimo lagu eedeeyo Villa Soomaaliya [Daawo]

Wasiirka arrimaha gudaha XFS Eng Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta Khudbadda Soomaaliya ka jeediyay shirka caalamiga ah ee guddiga sare ee hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR kaas oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Sabriye ayaa kalmadiisa wuxuu diiradda ku saarey xaaladda xuquuqda aadanaha ee waddanka, barakacayaasha iyo sidda loogu baahan yahay kaalmo degdeg ah oo ay caalamka siiyo Soomaaliya si ay ula tacaasho arrintaas.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada aduunka ee dadkooda ay sida weyn u barakaceen sanadihii u dambeeyay sababo ku aadan colaadda oo gaartay meel sarre.

Intaas waxaa wehlisa in arrimaha ku aadan xuquuqda aadanaha ayaa waxaa la sheegayaa in ay dalka ka yihiin kuwa aad loogu tunto, waxayna kamid tahay qodobadda lagu dhaleeceeyo xukuumadda uu hogaamiyo Farmaajo.

Sikastaba ha ahaatee, wasiir Sabriye, ayaa waxaa lagu waramayaa in uu madasha ka sheegay in xukuumadda federaalka ay wax badan ka qaban doonto arrimaha ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo barakacyaasha.

Image may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sitting