Wasiir Isloow Oo Deg Deg Usoo Xiray Shirkii Maanta Ka Furmay Kismaayo & Sababta Ka Dambeysa

Shirkaan oo socday muddo labo casho ah, ayaa waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha amniga dowlad gobolledyada  iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo siddii ay  iskaashi u yeelan lahaayeen, waxaana   kasoo ay kaqeyb galay shirkan  mas’uuliyiinta wasaaraddaha  amniga dowlad gobolleedyada dalka iyo wasiirka amniga gudaha dowladda Soomaaliya.

Inta uu shirka socday,  ayaa looga hadlay la dagaalanka cadowga ummadda  Soomaaliyeed  iyo siddii loo heli lahaa cudada mideysan oo ka hor tagta Alshabaab.

Shirka wasiiradda amniga dowlad gobollleeyada iyo wasaarad amniga gudaha Soomaaliya, ayaa waxaa laga soo saaray 7 qodob oo muhiim u ah mideynta awoowahada iyo la dagaalanka aragagixisada Alshabaab.

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow, ayaa ahmiyada shirka la wadaagay warbaahinta, waxaana uu shirkaan ku tilmaamay midkii lagu tayeyn lahaa laamaha amniga dalka iyo isdhaafsiga xogaha ku saabsan argagixisada.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)