Wasiir Guddiga Abaaraha ku wareejiyay Gaari uu lahaa kaddib markii uu waayay lacag uu ku deeqo

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa Guddiga heer Qaran ee Abaaraha ku wareejiyay mid ka mid ah labo Gaari oo uu lahaa.

Sida uu Mustaqbal Radio u sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim;oo ka mid ah Guddiga heer qaran ee Abaaraha dalka.

Yaxye;waxaa uu sheegay in Wasiirka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin uu guddiga ku wareejiyay mid ka mid ah Gawaaridiisa,waxaana uu Guddiga u sheegay in uusan bilahan mushaar qaadan,islamarkaana uusan Ganacsadana ahayn oo uusan heyn lacag uu guddiga ugu deeqo.

Wasiirkaas,ayaa waxaa uu sheegay in Gaariga uu ku wareejiyay Guddiga uu qiimo ahaan gaarayo $9,000 oo Doollarka Mareykanka ah codsadayna in Guddiga ay gaarigaas la wareegaan.

Yaxye Cali Ibraahim;ayaa sheegay in markii uu Wasiirku hadalkaas ku yiri ay xubnaha guddiga qaarkood ilamada soo dhaaftay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)