Wasiir C/raxmaan Yariisoow Oo Xog La Fileyn Ka Sheegay Duulaanka lagu Qaadayo Shabaab

Waxaa War kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa waxa uu ka hadlay Duulaanka lagu qaadayo Shabaabka.

Waxa Wasiirka uu sheegay inay hadda socdaan Qorshihii ugu dambeeyey Ee Shabaabka looga saarayo deegaanada ay ka joogaan Dalka.

Eng. Yariisoow ayaa sheegay in ay socdeen maalmahaan Kulamo ka dhan ah Shabaab oo Saraakiisha Ciidanka Xoogga,madaxda Dalka iyo Saaxiibada Caalamka Ee Dagaalkaaasi nagu caawinaya.

Qoraalka Yariisoow ayaa lagu sheegay inaysan ku raali noqon doonin dhibaato Shacabka Soomaaliyeed loo geysto sidaa awgeedna ay ka hortegi doonaan weerarada Argagaxisada ah.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegay in Shacabka looga baahan yahay inay garab istaagaan Dawlada Soomaaliya si looga adkaado Shabaab.

Waxa Yariisoow uu tilmaamay inay weerarada Cirka ah sii socon doonaan oo lagu beegsanayo Kooxaha Argagaxisada ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)