Wasiir Beyle oo kashifay kulankii uu la yeeshay wasiiro ka socday HirShabelle

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin katirsan HirShabelle.

“Waxaa farxad inoo ah in aan ku soo dhaweynay maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda qaar ka mid ah Wasiirrada Dowlad-Goboleedka Hirshabelle oo aan ka wadahadalnay wax ka qabashada dhibaatooyinka fatahaadaha, mideynta hannaanka dakhliga gudaha iyo mudnaanta gaar ka ah ee maalgelinta deegaanada Dowlad goboleedyada.

Wadahadal markuu daacad yahay had iyo jeer wuxuu u horseedaa guul iyo horumar.

Mahadsanidiin, mudanayaal. Wada Shaqeyn Wacan”

Wasiirada HirShabelle ka socday ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Cali Caadle,Jaamac Xuseen Xaashil,Maxamed Cumar Ceymooy & Wasiiro kale.