Wasiir Beyle Oo Dhuunta Qabtay Mas’uuliyiin katirsan Dawlada & Hay’ado Uu Af Qabtay

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shaaca ka dhigay in la joojiyey lacago ay qaadi jireen Wasaarado iyo Hay’ado taas oo si khaldan lacagta u isticmaala.

Dawlada tan iyo markii la dagaalanka Musuq maasuqa ay bilowday waxaa adkaaday in lacagaha sidii la rabo loo adeegsado ama jeeb si khaldan loo gishto.

Waxa Wasiir Beyle uu sheegay in irdo badan ay soo xireen oo hore dadka Mas’uuliyiinta ay Lunsasho Xatooyo Dadweyne ku dhaqmi jiray.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr Beyle waxa uu sheegay in hadad wasaaradiisa keliya ay la soconeyso qaadista Lacagaha Canshuurta si looga hortego musuq dhaca.

Xukuumada Soomaaliya waxay sheegtay inay korortay dhaqaalaha Dalka soo gala markii la dagaalanka Musuqa uu noqday mid aad tooshka la iskula daba tegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here