Wariyihii Tv-ga Jubbaland Ee B/weyne oo Dhaawac Ahaan Saaka Ugeeriyooday (MAGACIISA)

Allaha Unaxariistee waxaa saaka Aroortii la xaqiijiyey inuu geeriyooday Marxuum C/llaahi Cusmaan oo ahaa Wakiilkii Telefishinka Jubbaland Ee Magaalada B/weyne.

Marxuumka ayaa dhaawac Culus uu kasoo gaaray Qeybaha Sare Ee Jirka iyadoo dhaawacii soo gaaray loo soo qaaday Muqdisho maadama Xaalad halis ah uu gaaray dhaawaciisa.

Wariye C/llaahi ayaa la sheegay bir madaxa ka gashay qeyb ka mid ah Maskaxdana ay madoobaatay sida ay sheegeen dhakhaatiirta ku howlaneyd baxnaanintiisa.

Axadii weerarkii ismiidaaminta loo adeegsaday Ee ka dhacay maqaayad ku taalla Afaafka hore Ee Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaana C/llaahi dadkii ku dhaawacmay uu ku jiray.

Bahda Saxaafada Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyadeeyey geerida C/llaahi Cusmaan oo saaka ku xijaabtay Cusbitaalka Digfeer Ee Muqdisho oo labadii Cisho ee lasoo dhaafay lagu daweenayey.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)