Wargeyska Daily Mail oo Warbixin Xasaasi ah ka qoray Madaxweyne Xasan Sheekh”Sawiro”

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tamashleeyay safar uu ku tagay magaalada London ee dalka Uk isagoona ka dagay hoteelada kuwoodi ugu caansan ee qaaliga ah.

Madaxweynaha ayaa ku dagay Dorchester hotel isaga iyo shan kamid ah wasiiro aan magacyadooda la sheegay  waxana sidoo kale la socday 14-kaaliyaal waxana ay ka qeyb galayeen shir caalami ah oo ka dhacayay Lancaster House si ay usoo helaan gargaar ay u radinayeen dalka dagaalka la dagay ee Soomaaliya.

Dorchester hotel ayaa kamid ah kuwa ugu qaalisan ee la dago hoteelada magaalada London ku yaala.

Sida laga soo xiganayo jariidada The Sun Madaxweyne Xasan Sheekh oo 57-sano jir ayaa ku sugnaa afar habeen Park Lane hotel xitaa hadii ay ka daganan lahaayen qolalka aan lacagahoodi yar yahay waxa ay cuntadooda ku kacday £25,440.

Shirka ayaa muhiimadiisu ahayd sidii gargaar deg deg ah loogu heli Soomaaliya

Wasaaradda arimaha dibada ayaa sheegtay in shirkaasi ahaa mid wax ku ool ah.

Gaariga maalin waliba ay raacayeen ayaa wadaha gaariga waxa uu qadanayay £400 wadartana waxa ay tagtay inta ay joogeen UK

£50,000.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)