WARBIXIN: Sadex Dhibaato oo haysata Shacabka Muqdisho & Ciidamada DFS oo qeyb ka ah

Magaalada Muqdisho oo amni ahaan ka degan sidii hore ayaa labadii asbuuc ee tagay waxaa kusoo kordhay falal amni darro, oo noocoodo muddo aan magaalada lagu arag.

Mushkiladaha iminka ka jira magaalada Muqdisho saameynta ugu badan ku yeesha dadka shibilka ah kuwaa oo ka dhaca dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Mushkiladaha hadda ka jira magaalada Muqdisho oo u badan xiliyada Habeenkii ayaa waxaa kamid ah:

1-   Dhaca Moobilada, Laptoobyada iyo Adeegyada ay wataan shacabka.

2 – Dilalka mishinada ah ee loo geysta dadka indheer garadka ah ee ku dhexjira Bulshada kuwaa oo u badan kuwo ka dhashay dhulalka dhaxalka iyo kuwa la kala boobay.

3 – Dhaca Mooto Bajaajyada oo kusii kordhaaya magaalada Muqdisho.

Falalka ugu badan ee la xiriira Seddexda dhibaato ee kor ku xusan ayaa waxaa geysta shaqsiyaad ku hubeysan qoryaha fudud iyo dharka ciidamada, gaar ahaan kuwa Militeriga.

Degmooyinka ugu badan oo ay ka dhacaan falalkaani ayaa waxaa aad ugu yar ciidamada dowlada oo badankooda qafiifiya howlaha loo igmada mushaar xumi jirta aawgeed.

Si kastaba ha ahaatee, dhibaatooyinka noocaani oo dhowr sano ka hor ay ka jireen Degmooyinka ayaa iminka u muuqda kuwo kusoo dib loosoo celshay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)