WARBIXIN: RW Kheyre oo Indhaha ka qarsaday Dalab layaableh oo uga yimid Shariif Xasan & C/Wali Gaas

Madaxweynaha Puntlan C/weli Maxamed Cali Gaas, kan K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ku fashilmay qorshe weyn oo ay ka lahaayeen wasiirada soo socda, iyo sidoo kale arrin ay u gudbiyeen Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Labadan mas’uul waxay Ra’iisul wasaaraha u geeyeen magacyo ay sheegeen in saamigii wasiirada ee dhankooda kusoo aaday laga dhigo, balse Kheyre ayaa warqadahoodii madaxdaa dib ugu celiyey.

Kheyre ayaa sheegay in isaga uu yaqaano cidda la shaqeyneysa, kaliyana laga doonayo inuu waafajiyo nidaamka qabiilka ah, balse qabiillada shaqsiyaadka uu rabo kasoo xulanaya.

Gaas iyo Shariif waxaa looga digey iney isku dayaan Farogelin iney ku sameeyeen dhismaha xukuumadda cusub ee la dhasayo, waxaana Kheyre uu sheegay inuusan ahayn shaqsi wax loo yeeriya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay