WARBIXIN: Madaxweyne Donald Trump oo taariikh ku dhigay Hogaamiyaha Jarmalka xili ay dooneysay iney salaanto!!

Madaxweynaha dalka Donald Trump ayaa iska diiday inuu gacan qaado ama uu salaamo hogaamiyaha dalka Jarmalka  Angela Merkel xili ay kasoo muuqatay safar ay ku tagtay aqalka cad ee Mareykanka

Labadan hogaamiye ayaa kulan ay uga hadlayaan xariirka labada dal ee mustaqbalka ku yeeshay Mareykanka laakiin arinta dadka badan ka yaabisay ayaa aheyd in Donald Trump uu diiday inuu gacan qaado hogaamiyaha Jarmalka

Gacanta ayay usoo taagtay si uu u salaamo laakiin kaamirooyinka ayaa qabtay Donald Trump oo diidaya inuu gacan qaado.

RIIX HALKAN: DAAWO MUUQAALKA KAA YAABIN DOONA

Muuqaal kooban oo la qaaday ayaa laga maqlayay cod ah kaamiramaanada oo dhahaya gacanta isqabsada, markaas oo ay  Ms Merkel ku tiri Donald Trump: “miyaa dooneysaa inaan isa salaano?”, markaas Mr Trump ayaa usoo dhawaaday dhankeeda laakiin halkii salaanta laga sugayay ayuu fadhiistay kadibna gacmaha isa saartay

Hogaamiyaha Jarmalka ayaa dareentay in madaxweynaha Mareykanka uusan diyaar u aheyn salaanteeda kadibna dhanka saxaafada ayay usoo jeesatay iyadoo dhoola cadeyneysa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay