WARBIXIN: Kenya & Itoobiya oo Uheshiiyay in Farmaajo uusan Xariir la yeelan Jabuuti (SABABTA)

Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa ka hortegay in Diblomaasi Jabuutiyaan ah loo magacaabo Wakiilka IGAD ee arrimaha Soomaaliya.

Shir madaxeedkii IGAD ee dhowaan ka dhacay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu ansixiyay wakiilada IGAD u qaabilsanaan doona dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.

Dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa watay in Diblomaasiga reer Jabuuti ee Ismaciil Waceys oo ahaa la-taliyaha madaxweynaha Jabuuti loo magacaabo wakiilka IGAD ee Soomaaliya, laakiin waxaa arrintaasi ka hor yimid Kenya iyo Jabuuti.

Ismaaciil Waceys ayaa loo dhiibay xil kale, iyadoo Diblomaasiga Kenya u dhashay ee Maxamed Cali Guyo loo magacaabay Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, waan qorshihii ay doonayeen dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Arintaan ayaa muujineysa sida dowlada Kenya iyo Itoobiya aysan u dooneyn in wada shaqeyn fiican dhex marto Soomaaliya iyo Jabuuti, maadaama ay yihiin dowlado walaalo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay