Wararkii ugu danbeeyay Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay Muqdisho

Wararka aan ka helayno Degmada Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho

Qaraxan ayaa la sheegayaa inuu fuliyay ruux naftiis halige ah kaasi oo waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen, islamarkaana dhex galay goob inta badan Ciidamada dowladda ay fariisan jireen.

Goobta qaraxa uu ka dhacay tilmaam ahaan waxa ay tahay Baar Bulsho, waxaa halkaasi degan Ciidan u badan Militari ka tirsan Koofi gaduuda madaxtooyada & Sidoo kale Ciidan Militari ah.

Sidoo kale waxaa goobtaan ku yaallo maqaayado ay fariistaan Ciidamada oo inta badan ay ku qayili jireen, sidoo kalena ay ku ciyaaraan laandhuuga, dubnada & turubka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya Saddex ruux inay ku dhinteen Qaraxaasi, halka sidoo kale dhaawacyo loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana socda Baaritaano.