WARARKII ugu Danbeeyay ee qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho

Inta la xaqiijayay 2 ruux ayaa ku dhitay 10 kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax goordhaw ka dhacay deegaanka Haanta-dheer ee u dhaw Kulliyada Jaala Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in qarax uu ahaa bom-gacmeed lagu tuuray Maqaaxi shaaha laga cabo oo ay ku sugnaayeen Askar iyo dad rayid ah.

Booliska ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ku jiraan askar tirsan ciidanka oo ku sugnaa maqaayada qaraxa uu ka dhacay.

Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay Isbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, waxana la sheegay in goobta ay wax ka dhaceen ay soo gaareen ciidamada Amaanka ee Magaalada.

Kooxihii Bom-gacmeedka ku tuuray maqaaxida ayaa fakaday, waxana ay ciidamadu sheegeen in ay ku raadjoogaan dadkii falkaa ka danbeeyay.

Maqaaxida la wareeraray ayaa inta badan waxaa u badnaa askarta dowladda oo halka fadhiisan jiray, waxana sida muuqata uu bartilmaameedku ahaa askartaasi.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qarax bombaano ee lagu weeraray maqaaxida ku taal Haanta-dheer ee Magaalada Muqdisho, hase ahaatee waxa uu falkan ku soo aadayaa xilli Muqdisho ay isku diyaarineyso doorashada Madaxtinimada.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)