Wararkii ugu danbeeyay dhacdadii argagaxa lahayd ee kadhacday degmada Xamarweyne iyo meydad cusub

Waxaa xalay soo dumay dhisme sadex dabaq ka koobnaa oo ku yaalla degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, waxa uuna bur burkaasi sababay khasaaro isugu jirta dhimasho , dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Waaxda gurmadka gobolka Banaadir ayaana u gurmaday dhismaha soo dumay dadkii ku hoos jiray, waxaana halkaasi laga soo saaray qaar kamid ah dadkii dhismahaasi ku hoos jiray iyaga oo dhaawac ah iyo kuwa bad qaba.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo xalay gurmadka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uusan jirin dhimasho ka dhashay bur burkan , marka laga reebo dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray 7-qof oo kamid ahaa dadkii gurigaasi joogay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in saakay bur burka dhismaha hoostiiisa laga soo saaray meydka wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Aweys, wiilkan ayaana isaga oo meyd ah saakay laga helay bur burka hoostiisa.

Gurigan soo dumay oo ahaa dhisme ka kooban 3 dabaq oo ku yaalla agagaarka Masaajidka Marwaasi ee Degmada Xamar Weyne ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid qadiimi ah oo waa hore la dhisay.