Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo weeraray Xerada Ciidanka Jabuuti ee Beledweyne

Xoogaga Ururka Al Shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar madaafiic loo adeegsaday ku ekeeyay Xerada Ciidanka Militariga Jabuuti ku leeyihiin Magaalada Beledweyne.

Shabaabka ayaa bartilmaameedsaday Xerada Ciidanka Jabuuti ee ku taala xaafadda Hawlwadaag, waxayna weerarkan soo qaadeen, xilli inta badan dadka deegaanka ay hurdeen.

Ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah Amisom ayaa sidoo kale madaafiic culus kaga jawaabay weerarkaas, iyagoona garaacay dhankii madaafiicda looga soo tuuray.

Wararka ayaa sheegaya in dadka reer Beledweyne ay hurdada kaga soo baraarugeen madaafiicdii xooganeyd, ee ay labada dhinac saqdii dhexe ee xalay is weydaarsanayeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inaanay kala cadayn karin in madaafiicdaasi ay khasaaro gaysteen iyo in kale, balse Illaa iyo hadda inta laga warqabo aysan jirin cid ku waxyeelooday madaafiicdaasi.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidanka Jabuuti ayaan ka hadlin weerarka madaafiicda loo adeegsaday ee lala beegsaday xeradooda.

Mintidiinta Ururka Al Shabaab ayaa bartamihii bishan weerarkan mid lamid ah ku qaaday Xerada Ciidanka Militariga Jabuuti ku leeyihiin xaafadda Hawlwadaag.