Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Qaraxii Deg.Dhoobleey//Shabaab oo Mas’uuliyada Sheegtay

Miino Dhulka la geliyey ayaa lala Helay Gaari ay wateen Ciidanka Kenyaanka ah Ee Ka qeybta ah Howlgalka Midowga Africa Ee AMISOM.

Qaraxa ayaa waxa uu ahaa mid Xalay Saqdii Dhexe ka dhacay inta udhaxeysa Dhoobleey iyo Taabto Ee Gobolka Jubbada Hoose.

Mas’uuliyada weerarkaasi waxaa sheegtay Ururka al Shabaab iyagoo ku faanay inay dileen Askar badan oo Kenyaan ah kuwo kalena ay dhaawaceen.

Al Shabaab ayaa waxaysan soo bandhigin tiro ahaan Askarta ay ku dileen weerarkaasi balse waxay warkooda intaasi ku dareen in gaari ay ku gubeen qaraxaasi.

Ciidanka Kenyaanka ah ee wadada loo galay ayaa waxay ka baxeen Xerada Ciidanka ee ku taallo Taabto islamarkaana Sahay ay udoonteen Dhinaca Degmada Dhoobleey oo Xero weyn Ciidanka Kenya ku leeyihiin.

Marar badan ayaa Qooqaani ilaa Taabto weerar jid gal ah Ciidanka kenya kala kulmeen Ururka Al Shabaab oo khasaarana kasoo gaareen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)