Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Kenya & Khasaaro Ka Dhashay

Qarax Xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Dalka Kenya waxaana warar is khilaafsan ay kasoo baxayaan Khasaaraha uu geystay Qaraxa iyo Xaalada siday Caawa tahay.

Waxa Qaraxa nuuciisu ahaa Miinada Dhulka la geliyo waxaana lala Eegtay Ciidanka Kenya oo kusugnaa Deegaan la yiraahdo Mkokoni oo udhaw Lamu.

Waxyeelada ka dhalatay Qaraxaasi weli lama sheegi karo,balse ciidan badan ayaa ka bad baaday qorshaha lagu khaarajin rabay.

Dadka deegaanka waxay sheegeen qaraxa uu ahaa mid xoogan oo meelo kala duwan laga maqlayey waxaana xigay rasaas ay ridayeen Ciidanka iyo Shabaabkii weerarka fuliyey.

Xaalada ayaa la sheegay in mar keliya is badeshay waxaana Kenya ay hadda wajaheysaa Xaalad Cakiran.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay