Wararkii Ugu Dambeeyay ee Weerar ka dhacay Magaaladda Paris & Ninkii ka dambeeyay weerarka oo la aqoonsaday

Askari katirsan ciidamada Booliska ayaa toogasho lagu dilay labo kalana waa la dhaawacay kadib weerar argagaxiso oo ka dhacay bartamaha magaaladda Paris ee xarunta dalka France sidaas waxaa xaqiijiyay booliska.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay iney toogasho ku dileen ninkii ka dambeeyay weerarkaas oo ahaa nin hubeysan.

Madaxweynaha dalka France Francois Hollande ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid lala xariirin karo mid argagaxios.

Kooxda loogu yeero Daacish ayaa sheegata weeraro marar badan ka dhacay caalamka gaar ahaan wadamada reer galbeedka.

Kooxdaas ayaa sheegatay iney ka dambeeyeen dilka  238 qof oo lagu dilay weeraro France ka dhacay tan iyo sanadkii  2015, sidaas wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegeysa.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xili musharaxiinta madaxweynaha dalka France ay soo gaba gabeeyeen olalaha ay ugu jiraan doorashada axada soo aadan dalkaas ka dhici doonta.

“Sida muuqata, askariga dilay ayaa ahaa bartilmaameedka,”sidaas waxaa saxaafada usheegay wasiirka arimaha gudaha  Pierre-Henry Brande.

Madaxweynaha France Mr Hollande ayaa kula deg deg ah la yeeshay Ra’isul wasaarihiisa iyo wasiirka arimaha gudaha kaas oo looga hadlay adkeynta amniga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in jimcaha manta ah uu kulan aan caadi aheyn isugu yeerayo golihiisa wasiirada si amaanka looga hadlo.

Sargaal uhadlay booliska ayaa sheegay in la aqoonsaday ninka ka dambeeyay weerarkaas laakiin aysan dooneyn  iney shaaciyaan warbixintiisa maadaama wali ay baaritaano socdaan

War lagu qoray Website-ka Amaq News ayaa lagu sheegay in kooxda Daacish ay sheegatay masuuliyada weerarkaas iyadoo tilmaantay in ninkii weerarkaas ka dambeeyay uu ahaa  Abu-Yusuf al-Baljiki.

Olalaha doorashada oo soo dhamaaday.

11-ka musharax ee utaagan doorashada France ee Axada ayaa soo gaba gabeeyay dadaaladoodii ay olalaha doorashada ugu jireen. Laakiin wali waxaa ay kasoo muuqanayaan Tv-yada iyagoo ka hadlayay weerarada dhacay.

Hogaamiyaha xisbiga midigta fog Marine Le Pen, ayaa bogeeda twiterka soo galisay:”waxaan garab taaganahay ciidamadeena amaanka, kuwaas oo mar kale bartilmaameed ahaa.”


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay