WARARKII Ugu dambeeyay ee Waxyaabihii ay ka wada hadleen MD Farmaajo & Gudoomiyha Afrika

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay Gudoomiyaha Midowga Afrika  Moussa Faki Mahamat, waxaana uu kala hadlay Ammaanka iyo sidoo kale Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha waxaana uu uga warbixiyay Abaaraha saameeyay dadka Soomaaliyeed ee ka jira guud ahaan Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya xilligaan ay ka jirto Abaar Baahsan , islamarkaana ay ku dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa.

Gudoomiyaha Midowga Afrika  Moussa Faki Mahamat, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo Ra’iisal Wasaaraha dalka uu soo dhaweeyay.

30-kii Junuaray ayaa Xubnaha Ururka Midowga Afrika ay u doorteen Mudane Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad,ahna wasiirka arrimaha dibad dalkaas in uu noqdo  Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Midowga Afrika sanadaha soo socda.

Waa Booqashadii ugu horeysay ee uu kusoo gaaro Muqdisho .


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay