Home WARARKA WARARKII Ugu Dambeeyay ee Magacaabida Golaha Wasiirada, Maxaase ka jira in Khilaaf...

WARARKII Ugu Dambeeyay ee Magacaabida Golaha Wasiirada, Maxaase ka jira in Khilaaf soo kala dhexgalay MD Farmaajo, RW kheyre & Jawaari

1
0

Warar iyo warbixino kala duwan ayaa waxa uu kasoo baxayaa magacabista Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, kadib markii ay soo ifbaxday kala aragti duwanaansho u dhexeysa Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo saaxiibadiisa kala soo shaqeeyay ololihii doorashada ay mowqif adag ka is taagan magacabista Golaha Wasiirada, waxaana la sheegaya in ay ku dadaalayan sidii shaqsiyaad iyaga ku xiran Golaha ugu soo dari lahaayan.

Laakiin Saraakiisha Madaxweynaha Somalia ku xiran ayaa laga soo xigtay in Farmaajo diiday in tirro yareen lagu sameeyo Golaha Wasiirada isla markaana Wasiirada la magacaabayo aan lagu soo darin Shaqsiyaadka ku sifoobay Musuqa iyo Siyaasad xumida, waxaana aragtidaasi ka hor imaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo jeediyay inaan la adkeyn shuruudaha maadaama uu wakhtigu yahay mid ciriiri ah waxa uuna Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ka dalbaday in shuruuda laga saaro Shaqsiyaadka laga reebayo Golaha ee Musuqa lagu helay.

Jawaari waxa uu sheegay inaanu suuragal noqon doonin in Golaha Wasiirada ay u dib dhacdo kala shaandheynta Siyaasiyiinta fiican iyo kuwa ku sifoobay Musuqa, waxaana la sheegayaa in arrintaani ay timid kadib markii Madaxweynaha uu diiday Shaqsi uu watay Jawaari oo kamid noqday Shaqsiyaadka Musuqay Hantida Qaranka.

Waxaa kala aragti duwanaantaasi barbar socda Muran kale oo ka dhashay Cadadka laga dhigaayo Golaha Wasiirada waxa ayna wararku sheegayaan in saacadihii u dambeeyay la isku hayay in Golaha Wasiirada laga dhigo 25 Wasiir, sida ay aheyd labadii Xukuumaddood ee u dambeeyay iyo in la kordhiyo oo laga dhigo 30 Wasiir.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa culeysyada ugu badan ee dhismaha Golihiisa Wasiirada kala kulmaya Madaxweyne Farmaajo iyo saaxibadiisa oo doonaya in xubno ay wataan lagu soo daro Golaha Wasiirada.

Culeysyada uu la kulmaayo Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah loolanka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed, kuwaasoo wata shaqsiyaad kala duwan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa mar walba ka go’an in Golaha Wasiirada ku dhawaaqo isla markaana soo xusho shaqsiyaad isaga u arka inay la shaqeyn karaan isla markaana hadafkiisa siyaasadeed fulin kara.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa suuragal ah in ku dhawaaqida Golaha Wasiirada ay dib usii dhacdo haddii aan xal loo helin Khilaafka ka dhex aloosan Madaxweynaha, iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here