Home WARARKA Wararkii Ugu Dambeeyay ee Howlgalkii Hoteel Posh & Ciidamada Gaashaan oo Awood...

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Howlgalkii Hoteel Posh & Ciidamada Gaashaan oo Awood usheegtay Shabaab

3
0

Rasaas iyo qaraxyo, ayaa saakay laga maqlayaa gudaha Hotelka Pizza House ee Magaalada Muqdisho, iyadoona ay weli ka dhex dagaalamayan xubno Shabaabka ka tirsan oo weerarkaasi soo qaaday.

Hotelkan la weeraray oo ku yaala ka soo horjeedka Hotel Posh Treats, ayaa waxaa uu weerarkaasi ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ka dibna dabley hubeysan ayaa gudaha u gashay hotelkaasi, waxaana uu weerarkani bilowday xilli Salaadda Taraawiixda laga tukanayay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan, ayaa tan iyo saqdii dhexe ee xalay hawlgal ka waday hotelkaasi, oo dableyda ka dhex dagaalameysa ay afduub ugu haysato tiro dad ahi.

Sida laga soo xigtay Booliska Somaliya waxaa la soo badbaaday toban ka mid ah dadkaasi, isla-markaana ay ciidamadu wadaan dadaalo lagu soo samata bixinayo dad weli ku jira gacanta dableyda.

Ciidamada Gaashaan, ayaa la sheegay in ay dileen laba ka mid ah raggii soo weeraray Hotelka Pizza, tan iyo markii ay bilaabeen hawlgalka lagu doonayo in weerarkaasi lagu soo afjaro.

Xaaladda, ayaa sii adkaatay ka dib markii dableydaasi ay jartay korontadii hotelka. Ciidamada ayaana markaasi dabciyay hawlgalka, si ay xaaladda u xakameeyan, loogana hortaggo in dableydu baxsato.

Masuuliyiin uu horkacayo Wasiirka Amniga Somaliya, Maxamed Abuukar Ducaale (Islow), ayaa xilli dambe oo xalay ahayd gaaray goobta la weeraray, waxayna ciidanka ku bogaadiyen shaqada ay hayaan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya ragga weerarka soo qaaday ay tiradoodu gaareyso shan nin, halka warar kalana ay sheegayan in toddobo nin yihiin.

Saraakiil Booliska Somaliya ka tirsan, ayaa laga soo xigtay in dhimashada ay gaartay 14 ruux, oo uu ku jiro nin ay dhalashadiisu tahay Syrian.

Hase ahaatee mid ka mid ah shaqaalaha gurmadka caafimaadka, ayaa sheegay in goobtaasi ay ka qaadeen meydadka 16 qof iyo dhaawaca 26 kale.

Mid ka mid ah dadka ka badbaday weerarkaasi, ayaa sheegay in raggaasi ay isu soo ekeysiiyen Ciidamada Dowladda, ka dib markii ay soo xirteen dareyska Ciidamada Militariga. Wuxuu intaa ku daray in dadka ay qori caaradii ku geliyeen gudaha hotelka.

Weerarkan, ayaa saamayn weyn ku yeeshay Hotel Posh Treats, oo xilligii uu weerarku dhacayay ay dad badani fadhiyen. Ciidamada ammaanka ayaana soo samata bixiyay dad ku go’doomay hotelkaasi.

Muuqaalo goobtaasi laga qaaday, ayaa muujinaya dadka oo yaacaya, ka dib markii goobtaasi laga maqlay qarax aad u xoogan, oo uu gaystay nin la socday gaari miineysnaa.

Bulshada reer Muqdisho, ayaa waxay xalay u ahayd habeen adag oo soo maray inta lagu guda jiro bishan barakeysan ee Ramadan, oo amniga Caasimadda uu ka soo reynaayay.

Weerarkan oo masuuliyadiisu ay sheegatay Al Shabaab, ayaa wuxuu noqonaya noociisii ugu horeeyay oo ka dhaca Magaalada Muqdisho, tan iyo markii ay curatay bisha soon-qaad.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here