Home WARARKA WARAR Naxdin leh oo kasoo baxaya Weerarkii Muqdisho & Dalalka ay kasoo...

WARAR Naxdin leh oo kasoo baxaya Weerarkii Muqdisho & Dalalka ay kasoo ajeedaan Ajaanib dhimatay

2
0

Dhacdooyin Aad looga naxo ayaa caawa laga diiwaan geliyay weerarkii ay kooxda Shabaab ku qaadeen  Pizza House-ka Posh oo ku yaal degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dad aad ubadan oo dhalinyaro ah ayaa dhintay halka kuwa kalana ay dhawacyo aad udaran uu kasoo gaaray weerarkaas oo loo adeegsaday gaari la isku miidaamiyay iyo dagaal toos ah.

Mid kamid ah dadkii ka bad baaday weerarkaas ayaa sheegay in hoteelka gudahiisa iyo banaankiisa uu ku arkay dad badan oo uu yaqaano oo geeriyooday iyo kuwa kale oo dhaawac ah.

Waxaa ilaa haatan la sheegayaa In dhimashadu ay gaareyso ilaa 15 ruux oo ubadan dhalinyaro.

“Goobta uu qarax ka dhcay waa pizza house  runtii qasaaraha aad uu furabadanyahay dadka wajiyadooda lama aqoonsan karo” ayuu yiri mid kamid ah Koox wariyaal ah oo goobta tagay.

“waxaa ku dhintay dad farabada, waxaana kamid ahaa ajaanib uu ku jiray Nin Siiriyaan ah, waxaa kale oo dadka dhintay kamid ahaa Maxamed Ibraahim oo xarunta ka ahaa Lacag qaadaha”

Sidoo kale, waxaa dadka ay waxyeeladu soo gartay ee dhaawac ah kamid ah Ayuub Daahir iyo Caaqil Cade Ali oo ahaa gudoomiyihii dhalinta dalxiiska dalka”ayuu yiri Wariyahan oo ka bad baaday weerarkaas.

MAXAA HADDA KA SOCDA Hoteel Posh?

Dagaalyananadii Shabaab ayaa wali ku jira hoteelka iyagoo awood uyeeshay iney cawa ku hoydaan halkaas kadib markii ay dhufeysyo adag ka sameysteen.

Warar goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in la maqlayo rasaas teel teel ah oo ay ridayaan ciidamada dowladda halka sidoo kale ay kooxaha jawaab bixinayaan.

Taliska ciidamada NISA ayaa sheegay in subaxa hore ee beri la dhameystiri doono howlgalkan lagana adkaan doono kooxdan

La soco  Wararkii soo Kordha Insha Allah

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here