Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helay Qarax Xoogan Oo Ka Dhex Dhacay Guri Ku Yaalla Muqdisho

Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka waxaa jug xoogan Habeenimadii Xalay laga maqlay Guri ku yaalla Degmada Kaaraan dhexdiisa.

Qaraxa ayaan weli la ogaan nuuciisa waxa uu ahaa balse loo maleenayey miino la isku xir xirayey ayna dadka cabsi ka qaadeen.

Waxa Qaraxaasi uu ahaa markii dambe sida ay Laamaha Amnigu sheegeen mid gaari ismiidaamin loo diyaarinayey.

Ciidamada NISA oo wax yar kadib tegay Gurigaasi qaraxa ka dhacay ayaa waxay nolosha ku wateen nin dhalinyao ahaa oo joogay meesha loona maleenayo inuu ahaa abaabulaha Gaarigaasi qarxay.

Sikastaba Xaalada ayaa ah Saaka mid deggan,waxaana dadka ku dhaqan Muqdisho ay hadal hayaan Qaraxaasi ka dhacay Degmada Kaaraan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay