Warar Deg Deg ah oo Caawa ka Imaanaya Muqdisho & Xildhibaanadii ugu badnaa oo diyaarinaya…

Warar Goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in  kulamo xoogan ay ka socdaan qaar kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

Kulamadan oo ah kuwa siyaasadeysan ayaa udhaxeeya xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya, xili loo diyaar garoobayo kulanka beri.

Xildhibaanada ayaa kulankan uga doodaya mooshin la sheegay in laga gudbinayo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xukuumadiisa.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaano taageersan Ra’isul Wasaare Kheyre ay wadaan olole ay ku fashilinayaan mooshinka laga wado Ra’isul Wasaare Kheyre.

“Kulanka beri waxaa looga hadlayaa arinta Qalbi-dhagax, waxaana ku hoos jira mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaare Kheyre”ayuu yiri Mid kamid ah Xildhibaanada dowlada ee kulamadaas ka qeyb galaya.

HOOS KA DAAWO XOG KU SAABSAN Kheyre & Xildhibaanada

Sidoo kale xafiiska Ra’isul Wasaare kheyre ayaa waxaa ka soconaya olole lagu yareynayo xildhibaanada wada mooshinka wada.

Arinta Qalbi-dhagax ayaa fadeexad ku noqotay dowlada, waxaana ay taas halis gelisay xilka Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)