WAR XASAASI AH DHAGEYSO: R/W Kheyre Oo Karbaashay Siyaasiyiin Caan Ah & Shabaab Uu Sheegay…

Waxay aheyd mid ka mid ah Khudbadihii Saameynta ku lahaa Shacabka Ee Dareenka Waddaniyeed Xambaarsanaa waxaana ay dadka qaar sheegeen in khudbadaha qaar ay wakhti iyo Maskax ku bixiyaan diyaarintooda ka hor Madaxda inta aysan soo xifdin.

R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Khudbad uu Habeenimadii Xalay jeediyey waxay gil gishay Boqolaal Haween ah oo kulan iskugu yimid kala hadlay gudaha Muqdisho.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

R.wasaare Kheyre ayaa sheegay in muddo kudhaw 27 sano kadib hadda ay muuqdaan ififaalo wanaagsan oo lagula dagaalamo Shabaab oo Nabadii  iyo Reyn reyntii la yaqaanay ay soo laaban doonto.

Mudane Kheyre ayaa sheegay inay muhiim tahay la dagaalanka Argagaxisada,Hormarka Dalka oo laga shaqeeyo,Dawlad Diid kuwo uu ku sheegay oo laga hortego iyo Arimo kale ayuu soo hadal qaaday isagoo xitaa sheegay inay Shacabka ugu baaqayaan inay banaanka usoo baxaan oo ay Madaxda usheegaan wixii khalad ay ku dhacaan.

Af macaanida Khudbadaha ay Farmaajo iyo Kheyre jeediyaan ayaa la aaminsan yahay inay dad badan leeyihiin waxay ku heshiiyeen in dadka Khudbado Qiireysan lagu marin habaabiyo oo Qabyaalad iyo Nin Jecleysi lagu hogaamiyo Dalka Soomaaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)