War Naxdin u ah Shacabka Soomaliyeed oo kasoo yaarey Dowladd Hindiya+Dhageyso

Dhalinyarada Soomaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalka Hindiya ayaa sheegay in Dowlada dalkaas ay ku wargalisay in todobaadya soo socda la dal dali doono.

C/risaaq Maxamed Xasan oo kamid ah dhalinyarada ku xiran xabsi ku yaala Magaalada Mombia oo lagu magacabo Taluuja ayaa warbaahinta  Magaalada muqdisho u sheegay in dhibaato badan ay qabaan hadii ay yihiin dhalinyarada ku xiran xabsiyada dalkaas, waxa uu sidoo kale sheegay in ay haatan yihiin dad sugaya in la dal dalo dhawaan.

“Magacayu waa C/risaaq Maxamed Xasan waxaan kamid ah dhalinyarada ku xiran xabsi lagu magacaabo Taluuja oo ku yaala Magaalada Mombai ee dalka Hindia, dhibaato badan ay qabnaa markii hore ee nala xirayay waxaan aheyn 156-qof, haatan waxa aynu nahay 118-qof, dhalinyarada badankooda waxaa lagu dilay xabad, qaar tiibisho ayay u dhinteen, habeenkii dhulka ayaan seexanayaa”, ayuu yiri.

Waxa ay ka codsadeen dhalinyaradaan Dowladda Cusub ee Soomaliya ee uu hogaamiyo Maxamed C/laahi Farmaajo in ay soo faragaliso dhibaatda Dhalinyarada Sooamliyeed ku heysata Xabsiyada dalka Hindiya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)