War Laga Xumaado Oo Kasoo Kordhay Xaalada Somaliland,Siyaasiyiin Xabsi Lagu Xaabiyey

Wararkii ugu dambeeyey Ee naga soo gaaray Magaalada Hargeysa iyo Deegaanada Soomaaliland dadka ayaa udheg taagaya doorashada iyo sida ay wax usocdaan.

Wariyeyaasha ayaa waxay raadinayaan Xogta Doorashada iyo sida loo kala horeeyo iyadoo maanta ay soo baxday in si hordhac loo ogaaday in C/raxmaan cirro guuleystay.

Labo Sargaal oo katirsan Xisbiga Waddani Ee Cirro Hogaamiyo ayaa la xiray siyaabo kala duwan oo ciidanka S/land ay xabsiga dhigeen.

Faadumo siciid oo ah Lataliyaha Dhinaca Arimaha Dibada Xisbiga Wadani iyo Xamse Kheyre oo Wakiilka Xisbigaasi Gabileey ahaa ayaa ku jira Jeelka.

Arintaan ayaa la sheegay inay khaladaad ay sameeyeen iyadoo doorashada lagu jiray Xalay iyo Maanta la xiray Labadaasi Shakhsi xilli Waddani guushooda ay dhawdahay sida la sheegayo.

Dadka ku dhaqan Soomaaliland ayaa fal laga xumaado ku sheegay dhacdooyinkaasi Siyaasiyiinta Xabsiga lagu dhigay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)