War Hordhac Ah: Kulan Albaabada Uxiran oo Hadda Ka Socdo Wuqooyiga Gaalkacyo

Waxaa hadda kulan Xasaasi ah uu ka socdaa Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug kaasi oo udhaxeeya Mas’uuliyiin Ka kala Socda Puntland iyo Galmuudg.

Kulanka ayaa looga hadlayaa sidii Xal Nabadeed looga gaari lahaa Dagaalka kusoo laab laabtay Gobolka Mudug gaar ahaan Gaalkacyo.

Gogosha ayaa waxaa laga fidiyey Wuqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyadoo si weyn loo falan qeeyey sida baahi loogu qabo Nabad lagu wada noolaado Magaalada.

Xalay ayaa sidaan oo kale Kulan Hordhac u ah midka hadda socda waxa uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Hadii lagu guuleysto oo Xal Nabadeed laga gaaro Gaalkacyo waxay noqon doontaa kudhawaad 25 Sano oo dagaalo dhacayey laga gudbi doono,qadkii Cagaarnaa ayaana la jari doonaa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay