WAR HADDA SOO DHACAY: Weerarkii Boosaaso Raggii fuliyey Oo La Qabtay & Xaalka Oo…

Ciidamada amniga Puntland ayaa duhurnimadii waxay xaqiijiyeen in weerar dhiig ku daatay oo ka dhacay Magaalada Boosaaso Saaka raggii fuliyey lasoo qabtay.

Sargaal katirsan Ciidamada Amniga Ee Boosaaso kusugan ayaa sheegay in gacan ku dhiiglayaasha la hayo oo warfaafinta la tusi doono.

Tirada lama sheegin gacan ku dhiiglayaasha iyo hubka ay wateen,halka ay katirsan yihiin sidoo kale lama oga.

Kooxdani waxay saaka ku dileen meel udhaw Aqalka Dawlada Hoose Ee Boosaaso labo ka mid ah Ilaalada Madaxtooyada Puntland.

Xilliga ay toogashada dhaceysay goobta waxaa kusugnaa meel udhaw Madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas,waxaana hadda la dhowrayaa soo bandhigida Gacan ku dhiiglayaashaasi la qabtay sida la sheegayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here